|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Afhayeen u hadlay Ciidamada Rwandan oo lagu Magacaabo Jill Rutaremara ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in ay Ciidamo udiri doonan Dalka Soomaaliya.
Go’aankaan u dirida Ciidamada ka socda Dowladda Rwandan ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo warmayaa in lakeeni doono dhamaadka Sanadka 2008.
Tirada Ciidamada ay udirayaan Dowladda Rowanda Dalka Somaaliya oo aan weli la,go,aamin aya waxaa uu sheegey in inta aan sanadkan dhamaanin ay kudhawaaqi doonaan.
Midowga Africa ayaa Dalka Soomaaliya waxaa ka jooga 2,600 oo nabada ilaaliyaal ah, kuwaasi oo Dalka Soomaaliya lageeyay iyadoo midowga Africa uu balan qaaday in Dalka Soomaaliya uu u dirayo 8000 (sideed,kun) oo askari.
Dowladda Uganda oo ah Dowladii ugu horeysay oo Soomaaliya geyso Ciidamo ka socda Dalkeeyda,ayaa waxaa soo laabeeya Dowladda Burundi
Dowladda Rwandan Askarteeda ayaa waxa ay sheegeen in ay si wanaagsan ay u taba baran yihiin, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howl galada nabada looga dhalinayo Wadanka Soomaaliya sida Jill Rutaremara Afhayeenka Ciidamada Rwanda uu sheegay,laakiin waxaa jira ayuu yiri dhibaato la xariirta xaga Saadka, kuwaasi uu sheegay hadii aan la xalin uu howlgalku noqon doono mid aan dhameystirneyn.
Dowladda Wadanka Rwanda ayaa horay waxa ay u sheegtay in Dalka Soomaaliya ay geyn doonto Ciidamo ka socda Dalkeeda iyadoo sidoo kale askar ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya tabar u sameysay ka dibna dib loogu celiyay Dalka soomaaliya.
|